Kooxo burcad oo aan haybtooda la aqoon ayaa dalka Koonfur Afrika ku diley mid ah dadka Soomaalida ah ee ganacsiga ku leh wadanka Koonfur Afrika.

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilka uu ka dhacay Xafadda Mamelodi oo hoos tegta Magaalada Pretoria,isla markaana kooxo hubeysan oo burcad ah ay dhowr xabadood ay la dhaceen Muwaadinka Soomaaliyeed,waxaana xiliga falkan uu ka dhacaayay ku sugnaa halkaasi.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaaba Cabdifitaax Cali Xoosh,kaasi oo kamid ahaa Ganacsatda Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika.

Labda habeen kahor ayey aheyd markii Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Xuseen Muxumed Xasan sidaan oo kale loogu dilay Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.