Wararka laga helayo Somali Galbeed ayaa sheegaya inuu jiro fatahaado ka dhacay degaano hoos yimaado degmada Qalafe ee gobolka Shabelle.

Ilo dadka degaanka ah ayaa ino sheegay in ay fatahaadaha sameeyn weyn ku yesheen dadka degaanka tuuloyinka Shuubo Iyo Sadax Bar oo hoos yimaado Degmada Qalaafe, taas oo keentay in ay dad badan barakacan.

Fatahaadaha ayaa marar badan soo noqnoqda taas oo dhibaato weyn ku hayso bulshada ku dhaqan degaanada ku teedsan webiga Shabelle.

Mana jirto wax hadal kasoo baxay mamuulka gobolka kuna aadan musibooyinka ka jirto Qalaafe.

Halgan Media.