Qoraal ka soo baxay ururka OPDO oo talada kahaayo Ismaamulka Oromada ayaa sheegay in shaqada lagaga joojiyey hogganka nabadgeliyada u qabilsan gobolka Oromada.

Sarkaalka ee laga joojiyey shaqada waa Kamal Getechu oo horay kasoo gostay Jabhada Oromada loo yaqaano Oromo Liberation Front (OLF).  General Kamal Gelja ayaa lagu xasuustaa in uu hogaaminayay 150 askari oo kamid ah ciidanka OLF oo dhawaan kasoo galay dalka Eritrea iyaga oo hubkoodii sita.

Warqaddaasi ma sheegin sababta shaqada looga joojiyey masuuliintan lakiin Kamal Getechu oo mar la hadlay warbahiinta ayaa sheegay inuu jiro faragelin xoogan lagu haayo hayada Amniga ee gobolka Oromada.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.