Xisbi kusheega u Qabilsan Somali Galbeed oo shir uga socda magaalada Jigjiga ayaa isku raacay in la bedelo magaca iyo Calanka Xisbiga.

Xubnaha Xisbiga oo shirkooda la soo gabagabeyn doono maanta oo Arbaco ah ayaa ansixiyay in la bedelo calanka iyo magaca Xisbiga, waxaana magacii Xisbiga ee ahaa Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya lagu bedelay Xisbiga Dimoqraadiga Shacabka Soomaalida (SDP).

Sidoo kale waxaa la bedelay Astaanta calanka Xisbiga oo markii hore ku dhex jiray Calanka dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana astaanta lagu soo koobay Xidig qeybta sare kaga taal Calan Buluug ah oo dhexda kaga jiro Geel.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.