Wararka nagasoo gadhaaya gudaha Ogadenia ayaa sheegaya in maleeyshiyaadka Liyuu Boliska ayaa gadooday kadib markay wayeen wakiilka gumeysiga Cabdi Iley, waxayna kabexeen Jigjiga intooda badan, iyaga oo kusugan gobalada Jarar, Qorahay, iyo qayba kamida gobolka Fafaan.

Xogta aan kahelnay wadanka wuxuu sheega in ciidanka gumeysiga itoobiya aad ugu soo qul qulayo magaloyinka sida Dhagaxbuur, Jigjiga iyo Qabridhare. Waxa jirta odayaal waanwaan waday oo lakulmay sarakiisha ciidanka gumeysiga itoobiya iyi sarakiisha Liyuu Boliska. Walise wax is afgarad ah madhicin.

Shacabka Ogadenia ayaa qaba walwal wayn oo ah in dagaal kadhex bilaamo Liyuu Boliska iyo ciidanka gumeysiga itoobiya. Sidoo kale magalaada Qabridahare ee xaruunta gobolka Qorahay agteeda waxaa ku rogmaday gaadhi ay wateen maleeyshiyaadka Liyuu Boliska, waxaana dhintay 8 kamida maleeyshiyaadka Liyuu Bolis. Waxaan helnay magacyada kamid maleeyshiyyadka oo dhintay.

  • Maxamed Macaalin Cali

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.