Ugu yaraan 3 ruux ayaa Geeriyootay , kadib markii Kooxo hubaysan ay rasaaseeyen Gaari oo marayay deegaan lagu magacaabo Gewane oo katirsan gobolka Canfaarta.
Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shaqaaqadaasi tiro intaasi ka badan, sida xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Gaarigan ayaa waxaa saarnaa illaa saddex Qoys oo Ehel ah, kuwaas oo u safrayay qeybo ka mid ah gobolkaasi.
Kooxihii geystay falkan oo illaa hadda aan la aqoon ayaa markii dambana gobta ka baxsadeen.
Ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Canfaarta, balse maalmihii dambe waxaa gobolkani ka taagnaa xiisad u dhexeysa dadka wada daga halkaasi.
Hoos Ka Daawo Sawiirada
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.