Ku dhowaad Sideed qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay rasaas dabley hubeysaan ku fureen gaari rakaab ahaa oo marayay inta u dhexeysa Mandeera ee gobolka NFD iyo Ceel waaq Soomaaliya.

Gaarigan oo uu noociisu ahaa, Toyota Land Cruiser ayaa loo galay halka lagu magacaabo War guduud, waxaana xaaladdooda laga deyrinaya saddex ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, halka dhawr qof oo kalana lagu dabiibayo Isbitaalka Ceel Waaq.

Dadka saarnaa gaariga ayaan illaa iyo haatan la ogeyn tiradooda, maaddaama rakaabka qaarkii ay ka baxsadeen rasaasta la huwiyay Baabuurka ay la socdeen, balse waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen.

Waxaa jira dhaliilo ay dadka degaanka u soo jeedidanyaan masuuliyiinta dowlada Kenya, markii ay madaxda Gobolka ka jawaabi waayeen xiriirro ku aaddan ammaanka oo ay la sameeyeen shacabka ku dhaqan gobolka NFD.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.