Wararka ka imaanaya Koonfur Afrika ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay Ganacsade Soomaaliyeed lagu dilay dalkaasi

Allaha u naxariistee Marxuumka ayaa waxaa lagu Magacabi jiray Nuur Dheere, kaas oo lagu dilay goob Ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Johannesburg ee dalka K/Afrika.

Dilka ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen kooxo burcad Afrikaan ah, kuwaas oo goobta isaga baxsaday. Inta badan waxaa Koonfur Afrika ka dhaca dilal ka dhan Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.