Siida aan hore idin kugu sheegay, kooxo hubeysan ayaa maalinta isniinta Suuq Bacad ee degmada Yaqshiid ka qafasheen Xaaji Maxamuud Cumar oo kamid ah Ganacsatada ugu caansan magalaada Muqdisho ( Halkan rix sii aad uu Akhrisiid) 

ilo amni ayaa idacaada Halgan Media u xaqijiyay in kooxda hubeysan oo Ganacsade Xaaji Maxamed ka afduubatay Suuq Bacaad ee degmada Yaqshid ay yihiin ciidamo katirsan NISA, qaybta loo yaqaano Dharcadka, waxaana la sheegay in qafaasashada kadib ay uu kaxaysteen xabsiga Godka Jilacow ay mamuusho NISA oo lagu ciqaabo maxabiista.

Sawir : Xaaji Maxamuud Cumar

Sida aan xogta ku helnay, NISA ayaa mudda bil ah la socotay dhaq dhaaqyada Xaaji Maxamuud Cumar, ka hor inta aysan ka afduubin Suuq Bacad sida ay sheegen ilo amni lagu kalsoonan karo.

Dhinaca kale xafiiska hayada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka (NISA) ayaa si cad ugu hanjabtay qaar kamid ah milkiilayasha warbahinta kala duwan ee howlgallo gobolka Banaadir in aysan faafin wararka ku aadan Afduubka Xaaji Maxamuud Cumar.

Illa hada lama oga ujeedada laga leyahay Qafaasashada hubeysan ee loo geystay Xaaji Maxamuud Cumar, balse kaliya waxaa la ogyahay inuu gacanta ugu jiro NISA ayna ku hayaan Godka Jilacow.

Muqaalka hoos ka daawo.

Halgan Media.