Warar ay idaacada Halgan Media ka helayso magalaada Addis Ababa ee xaruunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed u xilkii ka qaaday qar kamid wasiirada ku jiro dowlada Federalka, iyadoona wasiiro cusub loo magacaabay xilka

Fetlework Gebregziabher oo katirsan kooxda TPLF ayaa kamid wasiirada xilka laga qadaay. Wasiirka xilka laga qaaday ayaa lasheegayaa in xilka laga qaaday arimo laxidhiidha xiisada u dhaxeeyo kooxda TPLF iyo xukuumada Abiy Ahmed iyo xisbiga Oromada loo yaqaano OPDO.

Dadka siyaasada falan qeeyaan ayaa sheegay in xukuumada Abiy Ahmed ay wadaan gumaysiga Itoobiya ayagoo rabay inay cules sii Saran kooxda TPLF.

Sikastaba ha ahaateen waxaan idiin soo gudbin doonaa wararkan iyo waxa kasoo kordha kala soco shabakada Halgan Media.