Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa todobaadka soo socda ka fariisanaya in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Cunaqabateyntan ayaa Eritrea la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay taageerto ururka AL Shabaab ka dagaallama Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa Khamiistii la soo dhaafay Golaha u gudbisay Qaraar qabyo ah oo ay ku dooneyso in cunaqabateynta Hubka,Dhaqaale iyo socdaalka ee saaran Eritrea la qaado.

Kulan ay Guddiyada joogatada ah ee Golaha yeesheen ayey ku sheegeen in codka loo qaadayo 14ka Bishan November,islamarkaana ay u badan tahay in Eritrea laga qaado cunaqabateyntaas.

Qaraarka dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in Guddiga dabagalka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Eritrea u qaabilsan aysan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-shabab.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Cismaan Saalax Maxamed ayaa bishii September ee la soo dhaafay Golaha guud ee Qaramada Midoobey iyo golaha amaankaba ku dhaliilay cunaqabateynta aan caddeynta heysan ee dalkiisa la saaray,waxaana uu dalbaday in Magdhow laga bixiyo.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.