Jabahadda Wadaniga Xoraynta Ogadenia ( JWXO) ayaa maanta dib u doortay gudoomiye Admiral Maxamed Cumar Cusmaan taliyihii hore ee ciidamada badda Soomaaliya.

Gudoomiyahan ayaa hore loogu doortay Deegaanka Bilcilcaymo oo Ka tirsan degmada Shaygoosh ee gobolka Qoraxeey , oo halkaas oo ay jabahaddu ku qabsatay shirweynheedii 2aad sanadkii 1998.

Shirweynaha 3aad ee (ONLF) uga socda magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sidoo kale lagu dooran doonaa xubnaha golaha dhexe ee jabahadda , sidoo kale waxa laga saari doonaa meesha jagadii ku xigeenka gudoomiyaha waxaana la dooran doonaa xoghaye guud.

Shirka jabahadda ONLF ayaa ku soo beegmaya xili ay isbadalo ka socdaan Itoobiya , tirao badan oo maxaabiis ah laga siidaayay jeelasha ama xabsiyada dalka itoopiya , sidoo kale waxa (liiska ) ( argagixisada ) laga saaray jabhado hubaysan oo ay ONLF kamid tahay .

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.