Fadhigii shalay ee golaha wasiirrada Itoobiya ayaa lagu ansixiyay xeer dib loogu eegayo qaab dhismeedka waaxda fulinta ee xukuumada gumeysiga Itoobiya. Golaha ayaa sharciga u gudbiyay golaha baarlamaanka si uu uga doodo una ansixiyo.

Sida uu sheegay madaxa xafiiska ra’isal wasaaraha Mr Fitsum Arega waxa golaha wasiirrada oo ahaa 28 laga dhigay 20 xubnood taas oo ku salaysan mudnaanta dawladda.

Ra’isal wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa wada dib u habayn balaadhan oo dalka oo dhan saamaysay iyada oo ay baal socdaan caqabado ammaan darro iyo iska caabino siyaasadeed.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.