Xukuumada Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegtay in lagu hallan yahay sidii nabad waarta loo kala dhex dhigi lahaa bulshooyinka Soomaalida iyo Canfarta oo todobaadkii hore dagaallo dhexmareen.

Isku dhacyada oo la xidhiidha muranno dhanka xuduudka ah ayaa saamayn weyn ku yeeshay qomiyadaha kala duwaan oo kudulmaan Gumaysiga Itoobiya.

Sida ay ku warramayso wakaaladda Itoobiya ee Fana masuuliyiin ka kala socda xukuumada Federaalka iyo laba ismaamul ayaa ku hawlan sidii xasilloonida loo soo celin lahaa loona hirgelin lahaa nabad waarta.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.