Wararka nagasoo garaay bariga gobolka Doolo ayaa sheegaya in ay Guddomiyaha degmada Galaadi marwo Khadiijo Aadan daah furtay imtaxaanka Fasalka 10aad ee dugsiga sare ee degmada Galaadi.

Ugu horreyn Guddomiyaha degmada Galaadi ayaa kula dardaarmay ardayda in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka degankooda.

Dhinaca kale qaar ka mid ah ardayda ayaa ka hadlay dareenkooda iyo kulanka gaarka ee ay la qaateen Guddomiyaha degmada Galaadi marwo Khadiijo Adan.

Mamuulka degmada Galaadi ayaa wada qorshe ballaraan oo lagu garab siinayo dhalinyarada, gaar ahaan ardayda, si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.