Gudoomiyaha Jabhada Oromada ee OLF Dawud ibsa ayaa la sheegay in gollaha dhexe ee OLF ay xilkii ka xayuubiyeen siida ay sheegen idacada DW ee laanta Af Axmaariga.

Kelja Merdassa oo ah afhayeenka Jabhada OLF ayaa wareysi ayka qaday idaacada DW ee laanta Af Axmaariga usheegay in si kumeel gaar ah xilkii looga qaday gudoomiyihii Dawud ibsa.

Wuxuuna sii shegay in go’aanka loga qaday uu kaso baxay shir deg deg ah ay yesheen golaha dhexe ee Jabhada oo lagu qabtay xafiskoda oo kuyaala magalada Addis Ababa ee xarunta dalka itoobiya.

Labadii sano ee udambeysay jabhada OLF ayaa la kulmeysay caqabado kala duwan oo ay ka mid ahayd in mar kamida ay ukala jabtay laba dhinac kadib heshiis ay garabka uu hogaaminayo Dawud ibsa la galeen xukuumada Aby Ahmed.

Dadka falanqeeya siyaasada itoobiya ayaa aaminsan in go’aanka cusub ee xilka loga xayuubiyay Dawud ibsa ay sababi karto kala jab kale oo xoogan oo ay surtagal tahay in ay buburto Jabhada OLF oo dagaal mudo dheer kula jirtay xukuumada Aby Ahmed.

Halgan Media.