Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxay qarax ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay dhanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo qaar ka tirsana ilaaladiis.

Qof isa soo miidaamiyay oo watay mooto bajaaj ayaa isku qarxiyay gaariga uu saarnaa guddoomiyaha waxaana halkaas ku geeriyooday marxuum guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsanaa ilaaladiisa gaar ah.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gaalkacyo ayaa xaqiijiyay in gaariga guddoomiyaha qaraxaas lala beegsaday xilli uu marayay nawaaxiga xarunta gobolka oo uu markaasi ka baxay.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay dileen guddoomiye Axmed Muuse Nuur iyo saddex ka tirsan ilaaladiisa.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.