Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfuurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Hayada ACTED oo kamid ah hay’adaha hoos taga Qaramada Midoobe ayaa gebi ahaanba joojiysay mashruuca iyo shaqada ay ka wadeen Degmada Diinsoor arin la xariirto amni darro awgeed.

Sida ay sheegen ilo lagu kalsoonan karo hayada ATCED ayaa iska fasaxdey shaqaalihii iyo labo baabuur ay qaadatay marka ay weeysay amaan ay kushaqeeyso, waana markii labad in ay hay’adaha reer galbeedka ah ay ka caraaran Degmada Diinsoor madaama ay cabsi xoogan soo wajahaan.

Sido kale hayada Intersos oo ka shaqeeyso arimaha ku quseeya caafimadka ayaa horey uxirtay mashaariicdii ay kawaday Diinsoor madaama ay amni darro bahsan ka jirto degaanka.

Degmada Diinsoor oo katirsan gobolka Bay ayaa mudda 8 sano go’doonsan, waxaana duleedka Degmada ka ariimiyo ururka Al Shabaab, sido kale waxa dhaco in xiliyada habeenkii ay Al Shabaab gudaha uso galaan qar kamid ah xafaadaha Degmada Diinsoor iyago oo wato hubkooda.

Halgan Media