Hay’adda Amnesty International ayaa saaka Magaalooyinka Nairobi, London iyo New York ku soo bandhigeysa warbixin ay ka soo ururisay Gobolka Shabeelaha Hoose ee Soomaaliya.

Warbixintan oo ururinteeda ay qaadatay ku dhowaad 8 bilood ayaa ka hadleysa duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo gobolkaasi oo qaarkood dadka rayidka lagu dilo, laguna dhaawaco.

Warbixinta oo cinwaan looga dhigay Dagaalka Qarsoon ee uu Maraykanka ka wado Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixinaysa khasaaraha dadka rayidka ah ee gobolka Shabeellaha Hoose ka soo gaara duqeymaha Maraykanku ka fuliyo halkaas ee lagu beegsado dad shacabka oo waxba galabsanin.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.