Dowlada Itoobiya ayaa u dooratay hogaamiyaha Mucaaradka ee gudiga doorashada kadib markii ay dib uga soo laabatay dalka mareykanka oo qaab magangalyo doon ah ay u joogtay sanado badan.

Birtukan Mideksa ayaa loo magacaabay madaxa gudiga doorashada maanta oo khamiis ah kadib markii todobaadyo ka hor ay dib ugu laabatay magaalada Addis Ababa kadib cafis uu mucaaradka u fidiyay Raysal Wasaraha Itoobiya.

Ku dhawaaqistaan ayaa dhanka kale imaaneysa iyadoo Itoobiya ay iski diyaarineyso sanadka 2020 doorasho xor xalaal iyo cadaalad ah oo uu balan qaaday Raisul wasaaraha dalkaas.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.