Wararka nagaa soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inay ciidamada Itoobiya sheekh caan ah ku dileen degaanka ayna shegeen in uu katirsanaa Ismaamulka Oromada.

Wadaad caan ah oo imaam ka ahaa masajidka Taqwa Kuna yaallo degaanka Badesa ayaa maanta la dilay, xili uu ka qayb galayay Janaza loo qabtay dad ay ciidamada Dowlada malma ka hor ku dileen deganka.

Sida aan xogta ku helnay, wadaadka la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Sheekh Abdallah ayey ciidamada rasaas ku fureen xili uu janaza uu kaqeyb galayay uu usocday taaso kadhaceysay degaanka Badesa, wuxuuna wadaadka islamarkii ku dhintay goobta.

Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa Xasuuq bahsan ka wada qayba kamid ah dalka kadib markii kacdoon ka dhan ah dowlada uu kasii xogayswnayo qayba kamid ah dalka.

Halgan Media.