Warar hordhac ah oo hada soo gaaray Halgan Media ayaa sheegaya in uu Xiisad dagaal ka tagaan yahay duleedka degmada Danlaheylay ee galbeedka gobolka Sitti.

Ilo degaanka ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ay ciidamada Ismaamulka Canfaarta dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaaben duleedka degmada Danlaheylay.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa La dareemayaa, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Mamuul kusheega Mustafa Cagjar oo ku aadan arrintaasi.

Qar kamid dadka degaanka ayaa Madaxweyne Mustafa Omar Ku eedeeyay inuu iska indha tirayo dhibaatada ay Canfaarta Ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ku dhaqaan Galbeedka gobolka Sitti.

Halgan Media.