Laba maalmood ayaa ka soo wareegtay markii ey dalka Sri Lanka ka dhaceen qaraxyo dhowra oo dhimasho iyo dhaawacyaba geystay. 310 qof ayaa illaa iminka ku geeriyoodey, sida uu sheegay boliiska dalkaasi.

Waxa wali socda raadinta cidda falkan ka danbeysey iyadoo la soo qab qabtay dad gaaraya 40 kuwaasoo lagu tuhunsan yahay iney ku lug lahaayeen qaraxyada.  Qaar badan oo ka mida shacabka ku nool caasimada dalkaas ee Colombo ayaa iminka ku sugan xaalad baqdin leh.

Hey’adaha dalka Sri Lanka ayaa tilmaamaya koox islaamiyiina ee dalkaasi iney ka dambeeyeen weeraradii la geystay axaddi.

Waxaa kaloo la sheegayaa iney u badan tahay in kooxdani ay dalka dibadiisa ka heshay taageero dhaqaale iyo mid qorshaha fulinta falkan maadaama weeraradu ahaayeen kuwo u baahnaa waaya aragnimo, lacag iyo dad badan oo ka qeyb qaata.

Ra’iisal wasaaraha Sri Lanka ayaa qiray in ciidanka ammaanka ee dalkaasi laba todobaad ka hor uu helay digniin ku saabsan iney koox islaami ahi qorsheyneysay weeraro lagu qaado kaniisadaha dalkaa isagoo ku celceliyey in la baaro sababta arintaa wax looga qaban waayey.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.