Wasaaradda caafimaadka ee Dowladda Federalka Itoobiya ayaa maanta sheegtay in sedax qof oo kale laga helay cudurka Coronavirus taas oo keentay In guud ahaan 25 qof cudurku haayo dalka gudahiis.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka 2 ruux ayaa 24ka bisha March ka yimid imaaraadka carabta, waxaana hada laga helay cudurka Coronavirus.

Qofkii sedaxaad waa muwaadin degan magaalada Addis Ababa oo 15ka bisha March kasoo laabtay dalka France, waxaana maanta laga helay cudurka Coronavirus kadib markii la baaray sida ay wararka u dhigeen wasaaradda caafimaadku.

Sida muuqato waxay hadda u badan tahay inuu cudurka Coronavirus aad ugu sii bato gudaha Itoobiya taas oo laga cabsi qabo inuu kusii faafo dalalka deriska ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.