Wararka naga soo gaaraya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya inuu qarax xoogan gor dhow ka dhacay degaanka Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dad goobjoogayal ah oo lahadlay Halgan Media ayaa sheegaya inuu qaraxa ka dhacay Afaafka hore ee Suuqa Hoose, waxaana la amiinsan yahay inuu qaraxa ahaay Miino dhulka lagu aasay.

Afaafka hore ee laga soo galo suuqa hoose wuxuu u dhow yahay saldhig ay leyihiin ciidamada Daraawishta ee mamuulka KGS, waxaana la amiinsan yahay in qaraxa loo waday saldhiga ciidamada darawiishta KGS.

Ugu yaraan laba qof ayaa la xaqijiyay inay ku dhinteen qarax, waxaana qaraxa kadib goobta gaaray ciidamada amaanka.

Qaraxa maanta ka dhacay degaanka Wanlaweyn ayaa ah midkii 4aad oo ka dhacay degmada, sedaxdii asbuuc ee u dambeysay.

Halgan Media.