Wararka naga soo gaaraya dhulka Somali Galbeed gar ahaan gobolka Shabelle ayaa sheegaya in Ciidanka Liyuu Booliska tacadiyo ka geystay degmada Feerfeer.

Sida aan xogta ku helnay, Liyuu Booliska ayaa isku deyay in oday dhaqmeedka kasoo jeedo degaanka Feerfeer Iney Wax Yeleyaan, balse waxa ka carooday dadka degaanka, taas oo keenay Liyuu Booliska rasaas ku fureen qar kamid dadka shacabka.

Ila hada weli maa cadda khasaaraha ka dhashay rasaasta ay rideen, balse qar kamid dadka degaanka oo Telefonka kula hadlay Halgan Media ayaa inoo xaqijiyay in Ciidanka Liyuu Booliska ay xireen Ugaas Mowlid Sheekh Cabdullahi.

Mamuulka gobolka Shabelle weli kama hadlin Xariga iyo bahdilka lagu haayo ugaaska iyo dadka Shacabka ku dhaqaan degaanka Feerfeer.

Liyuu Booliska ayaa mar walba tacadiyo ka geysta dhulka Somali Galbeed oo Ku hoos jiro gumaysiga Itoobiya, mana jirto ciid ka hadli kaarto.

Halgan Media.