Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada Mareykaanka iyo maleeyshiyaadka Somalida ka amar Qaato Balidoogle loo yaqaano Danab ayaa weerar qorsheysan ku qaadeen tuulada Doon Buraale oo ku tallo duleedka degmada Qoryooleey ee gobolkaasi.

Ciidamada oo watay diyaarado ayaa la sheegay in ay ku ku daateen duleedka tuulada Doon Buraale, wararka ayaa intaasi ku daray inay qafaasheen qof shacab ah oo xoolo lo’ ah tuulada banaankeeda ku heystay. Sidoo kale dhowr guri in ay qarxiyeen waa lasheegay.

Dhnaka kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dowlada Soomaaliya ama US Africom oo ku aadan weerarkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Mareykaanka iyo maleeyshiyaadka Danab ayaa sare u qaaday howlgallada ka socda gobolka Shabellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.