Ismaamulka Oromada ayaa sheegay wixi maanta ka biloowdo la bilaabi doono howlgallo lagu xakameyn doono cudurka Coronavirus oo aad ugu faafay degaanadaasi.

Addis Arega oo ah shaksiga xafiiska caafimaadka u qaabilsan ayaa ka hadlay in guri walba laga baari doono qof walba oo qabo cudurka Coronavirus, wuxuuna sheegay inuu muhiimada saari doonaan magaaloyinka waa weyn sida uu wararka u dhigay xili uu la hadlayay idaacadda Ethiopian Broadcasting Corporation (EBC).

Sidoo kale Ismaamulka weli ma shacanin sida uu qorshahaan u hirgeli doono, maadaama uu dalka lagu soo rogay xukun deg deg ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.