Booliska magaalada Addis Ababa ayaa sheegay inay gacanta kudhigeen gaadhi noociisu yahay Toyota Pickup Taarikadiisuna tahay (3) AA-A59022 kaasoo kasoo kicitimay magaalada Bahirdar ee caasimada Ismaamulka Axmaarada.

Booliska ayaa sheegay in kadib markii ay xog kaheleen shacabka ay dabagal kuhayeen gaadhigan iyagoo kaashanaya haayada sirdoonka qaranaka.

Gaadhigan ayaa gacanta lagudhigay xili uu marayay Xaafada Gulale Kifle katama ee magaalada Addis Ababa, waxaana gaadhigan saarnaa 3 BKM (Girinoof,Daba jeex) 1924 Rasaasta Bastoolada Starka looyaqaano,1856 rasaasta bastoolada Makaroofka loo yaqaano, 37 qasnadaha rasaasta qaada ah, iyo aw alabkale.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.