Wararka nagasoo gadhaya degmada Yucub ee gobolka Doolo ayaa sheegaya markey tariikhdu ahayd 28/9/2019 inay ciidamada liyuu boolisku gacanta ku dhigeen gaadhi waday kontrabaand

Ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu nin bartamaaha degmada Yucub ku waday gadhiga ay Somalida u yaqanaan Noxa, kadib wuxuu gaadhay goobta shidaalka lagu shuubta gadhiga, kadibna wuxuu niinka codsaday in loo Kiraayo gaadhiga Loo yaqaano Rakaabka si uu u gaadho lahaa Qabalaha Qamuuda

Isla markii ciidamada degaanka ku sugaan goobti ka shakiyeen Niinka kadib joojiyeen, kadib markii la joojiyay, ciidamada degaanka ayaa gaadhiga Nooxada bareen, waxaayna ka helen Qoorida loo yaqaano AK-47

Kadib markii ay ciidamada Liyuu Booliska Helen Qoriiga, waxaa niinka loo taxaabay xero ciidan ku yallo degmada Tucub,

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegey markii niinka la geyaay xerada, waxaa la weydiyay dhowr su’aal kala duwaan ay kamid yihiin meesha oo ku yimaada iyo degaanka uu kasoo jeeda

Weli sii rasmi loo maa cadaynin niinka meesho ka yimid iyo ujeeda oo lahay markii oo yimiid degmada Yucub.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.