Wararka nagasoo gadhaay gudaha Itoobiya ayaa sheegaya inay ciidamada hub ku qabteen degaanada katirsan dalka gar ahaan Ismaamulka Axmaraada.

Siida ay warbahiinta FANA sheegeen ciidanka booliska ayaa tilmaamaya in gacanta lagu dhigay 43 qore oo ah nooca AK-47 iyo rasaas farabadan oo kor udhaafaysa 1,300 oo xabo.

Booliska ayaa sheegay inii hubkani dalka kasoo galay dhanka Ismaamulka Gambela, kadibna loo soo qaaday dhanka Ismaamulka Axmaraada, waxaana lagu qabtay gudaha Ismaamulka Axmaraada gaar ahaan gobolka Gonder kadib markii baadhitaan lagu sameeyay gaadhi xamuul ah oo lagu soo dhexqariyay.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.