Xukuumadda uu Raysalwasaaraha ka yahay Taliska Benjamin Netanyahu ayaa xanibaad ku soo rogety safar qorsheysanaa oo labada haweenka ah ee Muslimka ah kuna jira aqalka Kongereska Maraykanka ay ku tegi lahaayeen dhulka Israel xoogga ku haysato ee Falastiin.
Ku xigeenka Wasiirka arrimaha dibadda ee Israel Tzipi Hotovely ayaa sheegtey in ay labaaas Xildhibaan ee ka tirsan dalka ay xulafada yhiin aysan booqan karin dhulkooda sida ay tiri.
Taliska Benjamin Netanyahu ayaa go’aankan wada-tashi kala yeeshay xubno ka mid ah golihiisa wasiirada, arbacadii, ka hor inta aan maanta lagu dhowaaqin.
Go’aanka xukuumadda xagjirka ah ee Israil ayaa la aaminsan yahay in uu saameyn ku yeeshay Madaxweynaha Maraykanka oo bartiisa twitterka qoraal uu dhigey ku tilmaamey haddii labadaas Xildhibaan loo oggolaado in ay tagaan Qudus in ay tahay daciifnimo.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.