Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Mohamed Javad Zarif ayaa beeniyey in dalkiisa ay doonayaan hubka Nukliyeerka, isagoo sheegay in ficilada Trump ay muujinayaan in qorshaha Maraykanka yahay burburinta dowlada iyo dadka Iran.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa isniintii shalay shir jaraa’iid uu ku qabtay dalka Japan oo uu safar ku joogay ka sheegay in qorshaha dowladiisa aysan ahayn inay burburiso dowlada Iran, balse ay doonayaan oo kaliya inay ka hortagaan in wadankaasi helo “hubka nukliyeerka”, Trump ayaa ku dooday in uu doonayo inuu wadahada la galo xukuumada Tehran.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran Javad Zarif ayaa bartiisa twitter in mar hore uu fatwo ku mamnuucay hogaamiyaha ruuxiga ee Iran Ayotollah Khemnei, balse qorshaha Maraykanka iyo ficiladiisa ay muujineyso in uu weerar ku yahay shacabka iyo dowlada dalka Iran.
Xukuumada Iran ayaa diidan inay wadahadal cusub la galaan xukuumada Trump kadib markii uu Maraykanka ka baxay heshiiskii Nukliyeerka Iran ee la saxiixay 2015, isla markaana aysan muuqan wax rajo ah in xukuumada Trump ay qaado cunaqabateynta cusub oo ay kusoo rogtay illaha dhaqaalaha ee dalka Iran.
Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.