Wararka aan ka helayno Jigjiga aya shegaya in Isbitaalkii Wayn ee jigjiga Magacii laga badalay isago markii hore la dhihi jiray Males Zanawi Memorial Hospital hadana loobixiyey Suldaan Shekh Xassan.

Ninkii hore ee Isbitaalka loogu magac daray ee aha Males Zanawi, ayaa aha Nin Dictator ah oo Shacabka Gobalka Ogaden aad u xasuuqay 21 dii sano ee uu xilka hayey ilaa dhimashadiisii 2012. Isbatalkan Magaca laga badalay aya imaanaysa Xili Calankii iyo Magacii deeganka Somaliyeed labadalay.

Ilaa iyo intii Xilka laga qaaday Abdi iley aya waxa Deeganka kasocda Isbadalo yar yar, Waxaana laga war sugi doona in Gobalka Xornimada helo iyo in kale.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.