Sawir : Xadka Soomaaliya Iyo Gobolka NFD

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Kenya ayaa Saaka abaaro tobankii Subaxnimo ku dagaalamay xadka u dhaxeeya magaalooyinka Beledxaawo iyo Mandheera ee Soomaaliya iyo gobolka NFD.

Dagaalka oo ahaa mid kooban ayaa socday kudhawaad saacad, waxanaa la soo warinayaa in laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, walow uu markii dambe si iskiis ah u istaagay.

Goob-joogayaal ayaa Halgan Media u sheegay in dagaalka uu ku dhaawacmay mid ka mid ah Askarta Kenya, waxaana hadda la soo warinayaa in xaaladda ay degantahay ciidamada Kenyana ee ay iskaga carareen halkii ay ku sugnaayeen.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababta ka dambeyso dagaalkaan, balse ciidamada Kenya ayaa maalmo ka hor duleedka degmada Ceelwaaq ku dilay wiil dhalinyaro, iyagoona sidoo kale qafaashay 4 ruux oo kale, taasoo carro abuurtay.

Dhinaca kale magaalooyinka gobolka Gedo qaarkood ayaa waxaa maanta laga soo warinayaa dibad baxyo xooggan ay dhigayaan dadweyne ka dhiidhinaya dilka iyo qafaalashada ay geysteen ciidamada Kenya.

Ilaa iyo hadda majiro wax war ah oo ka baxay dowlaha Kenya iyo Soomaaliya ee ku aadan dagaalka dhex maray labada ciidan.

Halgan Media.