Golaha dhexe oo metelayo qowmiyadda Silte oo ku dhaqan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ayaa dalbaday maamul u gooni ah oo ka madax banaan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed sida uu sheegay wargeyska Addis Standard.

Qowmiyadda Silte, waxay kamid tahay 57dii qowmiyad ku hoos nool ismaamulka shucuubta Koonfured, Go’aanka cusub oo ay gaareen kuna saabsan inay maamul cusub ku dhawaaqaan wuxuu ku cadaynayaa inay xaalada Itoobiya, mid la isku helayn karin ay tahay, waxaana kasii horeeyay 10 qowmiyad oo ku nool ismaamulka Shucuubta Koonfureed oo dalbaday maamul gooni ah

Waxaana kamida qowmiyadaha Benchmaji, Sheka, Gofa, Wolayta, Hadiya, Kembata, Guraga, Gamo iyo Keffa oo dhamaan dalbaday in maamul goboleed gooni ah loo sameeyo, maadaama uu dalku leeyahay nidaam Federalism ah.

Ismaamulka Shucuubta Koonfureed wuxuu tusaale u yahay xaalada guud ee kataagan Itoobiya, taas oo ah in ay jirin qowmiyad qowmiyad kale aaminayso, waxayna u badan tahay inuu Ismaamulka Shucuubta Koonfureed kala tagto.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.