Wararka naga soo gsaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in bandow lagu soo rogay Ismaamulka Oromada wixii hadda laga bilaabo sida uu sheegay wargeyska Addis Standard.

Waxaa la sheegay in gabi ahaanba la joojiyay gaadhi walba oo soo geli lahaa Ismaamulka Oromada kana kamid yihiin Bajaajka iyo Tagaasida (Taxi) sida ay wararka uu udhigay wargeyska Addis Standard.

Sidoo kale Ismaamulka Oromada ayaa sheegay inuu Go’aankan yahay mid loogu talagalay in laga hor tago cudurka Coronavirus oo maalinba maalinta kasii dambeyso kusii faafayo gudaha Itoobiya.

Dhinaca kale Ismaamulada Tigreega, Shucuubta Koonfureed Iyo Amxaarada ayaa go’aan la mid ah qaatay taas oo ah in la mamnuuco gaadhiga soo gelayo deegaankooda.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.