Ciidamada Itoobiya oo muddo 20 sana ah ku sugnaa xuduudda Eritrea ayaa la sheegay in la soo qaadayo.
Go’aankan gumeysiga Itoobiya ay gaartay ayaa waxay ka dambeysay kaddib marki ay Itoobiya iyo Eritrea colaaddi u dhaxeysay ay heshiis nabad galyo ku soo afjareen.
Ciidamada gumeysiga itoobiya oo ku sugnaa jiidda hore ee Buree, Zaalambass, Shiraaro iyo Baadme waxay tiradoodu kor u dhaafeysay 100,000 iyada oo ay tirada ciidamada marar badan isbeddeleysay.
Eretrea waxay iyaduna dhankeeda ka sheegtay iney qaadeyso tallaabbo la mid ah tan ay Itoobiya qaadday oo ay ciidamadeeda ka qaadeyso xadka labada dal ay wadaagaan.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.