Itoobiya ayaa dib ugu yeertay  Qunsulkii u joogay Waqooyiga Soomaaliya iyada oo arrintaasi aan ilaa hadda si rasmi ah loo sababeyn.

Bereha Tesfay ayaa Isniintii diyaarad rayid ah ka raacay Magaalada Hargeysa, isaga oo ku laabtay Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Arrintan ayaa dadka falanqeeya isbeddelka geeska Afrika waxa ay u arkaan in ay billow u tahay diblmaasiyad kala noqoshada Itoobiya ee Waqooyiga Soomaaliya la magac baxday Somaliland.

Xildhibaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan oo xubin ka ah Baarlamaan kusheega Hargeysa   ayaa sheegay in Bereha Tesfay, uu saraakiisha mamuulka Hargeysa ku wargeliyay in ay u yeertay dowladdiisa isaga oo aan sheegin wax intaas dhaafsiisan.

Dadka falanqeeya Isbeddelka uu wado Raysal Wasaraha Itoobiya ayaa sheegay in arrintan ay u badan tahay in Itoobiya ay xafiiskeedii diblomaasiyadeed ee sida dadban u shaqeynayay kala noqotay Waqooyiga Soomaaliya.

Qodobo ka soo baxay shirkii Magaalada Baxardaar ee Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid aha ain Itoobiya iyo Eritrea ay dhowraan midnimada dhuleed iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.