Dhawaan ayay ahayd markii websiteka wasaarada arimaha dibada ee itoobiya lagu daabacay khariirad meesha kasaaraysa jamuuriyada soomaaliya islamarkaana kudaraysa itoobiya marka laga reebo somaliland ama dhulka waqooyiga jamuuriyada soomaaliya.

Sawirkan oo maalmihii lasoo dhaafay aad looga hadal hayay baraha bulshada ayaa kacadhaysiiyay soomaalida daafaha caalamka kunool kuwaas oo siwada jir ah uga dareen celiyay.

Damaca xabashida ee ku aaddan qabsashada dhulka soomaaliyeed waxa uu ahaa mid soo jireen ah isaga oo sii xoogeystay qarniyadii 14aad iyo bartamaha qarnigii 16aad intii lagu gudajiray dagaalladii dhexmaray boqortooyadii Abbasiiniya ee kirishtanka aheyd iyo Imaam Axmed Gurey.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.