Afar Revolutionary Democratic Unity Front oo loosoo gaabiyo ARDUF aya soo saartay war murtiyeed ay ku cambaaraynayso maamulka Gobalka Canfarta ee dalka Itoobiya.

ARDUF aya ku eedaysay maamulka Gobalka Canfarta inu kudhaqmayo arimo ka dhan ah Xuquuqda Bili’aadanka ayna Cabudhinayaan dadka Shacabka ee mudaharaadka ku dalbanaya rabitaankooda. ARDUF aya Sidokale ku eedaysay Mamulka Gobalka Canfarta inay hurinayaan dagaal udhexeeya Qoomiyadaha kaas oo kusalaysan rabitaanka kooxdii TPLF la odhan jiray.

Eedaymahan aya imaanaya xili ay Mudaharadyo badani kasocdan Gobalka Canfarta kuwaas oo loogaga soo horjeedo Maamulka Hada xukuma isla Gobalka Canfarta.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.