Jabhada Ginbot 7 Arbanyoj oo kadagaalami jirtay Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa kulan balaadhan kuqabatay badhtamaha magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay kula hadleen taageerayaashooda.
Jabhada Ginbot 7 ayaa sabadkii hore heshiis lasixiixatay maamulka cusub ee wadanka Itoobiya ee uu hogaamiye Abiye Axmed, waxayna Jabhadu qaataday in ay qoriga dhagaan oo ay qalin ku halgamaan kadib markay arkeen maamul qalin lagula halgami karo.
Madaxda Jabhada oo kulanka shalay kasoo qayb gashay ayaa dadaynaha usheegay ujeedadooda iyo barnaamijkooda siyaasiga ah, waxayna madaxdu taageerayaashooda usheegeen in ay furayaan xisbi siyaasi ah oo kaqayb gala doorashooyinka iyo madaxtinimada wadanka.
Hoos ka daawo Sawiirada