Wararka kaimanaya gobolka Qelom Welega ee deegaanka oromada ayaa tibaaxaya in Dablay hubaysan oo wadata astaanta Jabhada Oromada loo yaqaano Oromo Liberation Front ay dheceen Bangiyo halkaasi kuyaala.

Bangiyadan ladhacay ayaa kala ah Ethiopian Commercial bank iyo Oromia Cooperation Bank, mana cada ilaa iyo hada cadadka lacageed ee bangiyadan laga dhacay.

Maahan markii uhoraysay ii dhacdadani kadhacdo gudaha ismaamulka Oromada. Dhankakale waxaa wali halkiisa kasii socda dagaalada udheexeyo Jabhada Oromada iyo ciidamada Itoobiya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.