Janaraal Yuusuf Indha Cadde oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka ayaa sheegay in masuuliyin katirsan DF iyo hay’addaha amaanka ay fududeeyen weerarkii lagu qaaday hotelka Elite ee maalin hore ka dhacay liido, kadib wareysi uu siiyey Warbahiinta.

Indha Cadde ayaa wareysiga lala yeeshay ku sheegay in gaarigii ku qarxay afaafka hore ee hotelka Elite iyo raggii saarnaa loo fudeeyey inay gaaran hotelka oo si weyn loo ilaaliyo

Wuxuuna sii sheegay surtagal in aysan ahayn in Gaari ka buuxa walxaha qarxa dhaafi karo inta Koontrol ee kahoreysa hotelka . Eedeymaha kasoo yeray Jeneral indha cadde ayaa imaanayo asbuc kadib markii agaasimaha hore ee NISA Jeneral Tuuryare oo eedeymo la mid u jeediyay DF.

Muddadii u dambeysay waxa aad uso batay eedeymaha loo jeedinayay DF oo ku aadan xirirka ay la leyihiin al Shabaab, xili uu amniga dalka faraxa kasi baxayo.

Halgan Media.