Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose ee dalka Soomaaliya ayaa soo sheegaya in Ciidamada Milatariga Soomaaliya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ka dhan ah ururka AL Shabaab.

Degmooyin ka tirsan gobolka Jubada dhexe ayaa la sheegay iney ku wajahan yihiin Ciidamada gulufka ah, degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubada Dhexe, sidoo kale ah xarunta maamulka Jubbaland ayaa la sheegay inuu yahay qorshaha howlgalka ee jubbaland.

Axmed madoobe ayaa Ciidamada u sheegay iney qaadaan dagaal ka dhan Al-shabaab, islamarkaana ay gaaraan magaalada Bu’aale ee xarunta Jubbaland.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.