Sida lawada ogyahay kacdoon shacab ayaa ka socdo dalka Itoobiya, taas oo keentay inay boqolaal qof naftooda ku waayaan asbuucyadii u dambeyay, waxaana kacdoonka hormuud u ah qowmiyada Oromada.

Waxaana gudaha Ismaamulka Oromada hada ka biloowday inay Oromada xidhaan goobaha ganacsiga ay leyihiin, oo ay kamid yihiin Tukaamada iyo Hotelada, taas oo keentay inuu dhaqaalaha itoobiya dib u dhac xoogan soo gaaro.

Sidoo kale dadka kasoo jeedo qowmiyada Oromada oo dalka dibadiisa ku nool ayaa bilaabay inay banaanbaxyo ku qabtaan caalamka, taas oo keentay inuu banaanbaxyo aad u weyn oo gilgilo dalalka Mareykanka, Canada Iyo qayba kamid ah Yurub

Dowlada Itoobiya ayaa ku fashilntay inay afjaraan kacdoonka Oromada, waxayna xukuumada Abiy Ahmed ku qasban yihiin inay awood ciidan uu adeegsadaan kacdoon-wadayaasha.

Halgan Media.