Saraakiisha amaanka ee dalka Burkina Faso waxay sheegeen in ugu yaraan 5 qof oo uu kamid yahay Baadari lagu dilay weerar lagu qaaday Kaniisad ku taalla waqooyiga dalkaasi.

Waxaa la sheegay in dadka weerarka geystay ay ahaayeen dabley hubeysan oo saarneyd Mooto.

Waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay dalka Burkina Faso harreeyay weeraro ay geystaan maleeshiyaad halkaasi ka howlgala.

Dalka Burkina Faso ayaa kamid ah dalalka dagaalka kula jiro maleeshiyaadka dagaalka ka wado gobolka saaxil.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.