Dowladda Kenya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqday qorshe lagu xirayo xuduud beenadka gobolka NFD ay wadaagto Soomaaliya, sababo la xiriira Cudurka halista ah ee Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Nairobi ayaa waxaa uu sheegay in Dowlada Kenya ay wado qorshe lagu xirayo xuduudka Soomaaliya ee dhinaca degaanka Wajeer ee Gobolka NFD.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Wasiirka in Kenya ay qaadan dooto Go’aankaas lagu xirayo Xuduud beenadka, hayeeshee ma uusan shaacin waqtiga la xirayo, wuxuuna sababta ku sheegay inay tahay cabsi laga qabo Cudurka Coronavirus.

Si kastaba hadalka Wasiirka Caafimaadka Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Kenya shaacisay in saddex qof oo ka tegtay Soomaaliya Coronavirus loogu karantiilay Xarun Caafimaad oo ku taalla degaanka Wajeer.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.