Faafaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaaro gestay oo xalay ka dhacay tuulada Daakhto  oo qiyaastii 9 KM u jirta dagmada Gursum ee gobolka Fafaan.

Dagaalka oo u dhaxeeyay laba Maleeyshiyo beleed ayaa lagu waramayaa in la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sida ay illo wareedyo dadka degaanka ay ay usheegeen idaacadda Halgan Media, 11 qof ayaa dhintaay iyo 4 kale oo dhawaac gadhaay.

Isku-dhacyada Beelahaan walaalaha oo in muddo ah soo jiitameysay ayaa salka ku haysa Dhul-daaqsimeed ay isku hayaan. Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno meesha ay wax ka dhaceen waxay tibaaxaysaa in tuuladda xaaladeedu ay tahay mid degan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.