Wararka laga helayo dhulka Somali Galbeed ayaa sheegaya in kommisineer Ku xigeenka Booliska deeganka Somalida, Cali Samir Sigad in xilkii uu iska casilay.

Cali Samir Sigad ayaa bartiisa Facebook-ga kushaaciyay in uu xilkii iska casilay. Sidaan ayuuna qoralkisa kuyiri “Aniga oo aha Commander Ali samire Sigad ahaana kommisineer Ku xigeenka Booliska deeganka Somalida waxaan go’ansaday inaan iska caasilo xiliki aan hayeey wixi faahfahin aha gadaal iyaan ka sheegidoona inshalla”.

Is casilada Cali Samir Sigad ayaa ku beegan xili ay xiisad siyaasadeed oo adag ay ka taagan tahay dhulka Somali Galbeed.

Waxaana soo batay masuuliyin badan oo ka tirsan Xukuumada Mustafa Cagjar in ay bilaaben mucaaradan maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Mustafa Cagjar.

Halgan Media.